U bood dhigaalka

Sawirro: Booliiska Jubbaland Oo Puntland Ku Wareejiyey Nin Kufsi Ku Eedeysan

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska ee maamulka Jubbaland ayaa maanta isaga oo gacmaha ka xiran waxay Puntland ku wareejiyeen nin ku eedeysan kufsiga gabar yar oo 16-sano jir ah, Xabadna uga dhuftay xubinta taranka, falkaasi oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ninkaan ayaa laga soo qabtay magaalada Kismaayo, kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada Jubbaland, waxaana maanta loo dhoofiyey Puntland.

Saraaskiisha Booliiska Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in ninkaan ay kasoo qabteen isaga oo ku dhuumaaleysanayey Jabalaha badda Kismaayo.

Ninkaan maanta laga dhoofiyey magaalada Kismaayo ayaa kamid ahaa sida la sheegay ciidamada Puntland.

Halkaan hoose ka arag sawirada:

Goobjoog News

0003 0002 0001

Mawduucyada:Gobollada