Sawirro: Booliiska Oo Soo Bandhigay Rag La Sheegay In Muqdisho Ku Daadin Jireen Warqado Lagu Cabsi Gelinayo Shacabka
Sheeko:Dalka
Taliska Booliiska Soomaaliyeed dugsiga Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho waxay kusoo bandhigeen Seddex qof oo la sheegay in magaalada Muqdisho ay ku daadin jireen warqado dadka lagu qalqal gelinayo.
Goobta raggan lagu soo bandhigayey waxaa ku sugnaa wasiirka amniga Maxamed Abukar Islow iyo saraakiisha ciidanka Booliiska.
Raggan lasoo bandhigay waxaa sidoo kalel lala soo bandhigay qalabka wax lagu daabaco oo la sheegay in howlahan ay u isticmaali jireen.
Ciidamada ammaanka waxay Raggan kasoo qabteen degmada Dharkeenley oo ay ku taallay madbacaddii wax lagu daabici jiray.
Saraakiisha ciidanka Booliiska ayaa sheegay in baaritaan lagu sii sameyn doono raggan.
Goobjog News