U bood dhigaalka

Sawirro: Ciidamada Dowladda Oo Xabbado Ku Furay Ambulance Meyd Siddey, Dilayna Hal Qof

Sheeko:Amniga

Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah gaar ahaan kuwa saldhigga ku leh agagaarka Taraqa iyo Sigaarka ee magaalada Muqdisho ayaa saaka xabad ku furay ambulance uu saarnaa marxuum Dhaqane Muxumed Aaden iyo dadkii duugtiisa u socday.

Sida ay sheegeen dadkii aaska ka qeyb-gali rabay, xabadaha ay ciidamada fureen waxaa ku dhaawacmay Axmednuur Xasan Xuseen, oo ka tirsanaa dadkii saarnaa ambulance-ta, iyaga oo intaas ku daray in dadkii dhaacawa ku soo cararay sidoo kale xabado kale lagu furay balse aan waxba ku noqon.

Dhaawaca Axmednuur Xasan Xuseen ayaa loola cararay Isbitaalka Erdogan(Ex Digfeer), laakin nasiib darro daqiiqado kadib waa uu dhintay.

Marxuumka gardarrada lagu dilay Axmednuur Xasan Xuseen waxaa kiiska laga diiwaan-geliyey CID-da, waxuuna hadda yaalaa Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho.

Marxuum Axmednuur Xasan Xuseen waa 28 jir, waxaa uu ahaa xammaali, eheladda marxuumka waxaa ay dalbanayaan in cadaaladda la soo taago askariga dilka geystay.

Goobjoog News