Sawirro: Ciidamo Badan Oo Laga Saaray Degmada Cadaado
Sheeko:Dalka
Xildhibaannada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ku guuleystay in degmadaasi ay ka saaraan ciidamo aad u badan oo dhowaan halkaasi siyaabo kala duwan usoo gaaray.
Kadib markii xaaladda siyaasadeed ee Galmudug ay isbedashay ayaa siyaasiyiin badan waxay magaaladaasi keeneen ciidamo aan horey halkaasi ugu sugnan jirin.
Xildhibaanadan ayaa ciidankaan geeyey deegaanka Gelinsoor ee gobolka Galgaduud, si loo dejiyo xiisadda Cadaado.
Ciidamadan badan ee Cadaado ku sugnaa ayaa walwal waxay ku beereen shacabka ku dhaqan magaaladaasi, waxaana hadda xasilooni laga dareemayaa degmada Cadaado.
Halkaan hoose ka daawo sawirada:
Goobjoog News