U bood dhigaalka

Sawirro: Ciidamo Xoog Ku Galay Qusuliyadda Cadan Si Qunsulka Looga Eryo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya Qunsuliyadda guud ee Cadan ayaa waxay sheegayaan in ay isku haystaan safiirka Soomaaliya u fadhiya C/laahi Xaashi Shuuriye iyo Qunsulka guud ee cadan Axmed Suudaani.

Ciidamo Yemeni ah, islamarkaana la sheegay iney la socdeen Safiir Shuuriye ayaa maanta waxay si awood ah ku galeen xarunta qunsuliyadda, kuwaasi oo ku amray qunsulka inuu banaanka u baxo hase ahaatee uu ka biyo diiday oo uu isku soo xirey xrunta.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in safiirka iyo ciidankii la socdeyba ay banaanka usoo saareen guud ahaan shaqaalihii kale ee Qunsuliyadda.

Qunsul Axmed Suudaani oo xiriir lasoo sameeyay Goobjoog News ayaa yiri “ Waxa uu safiir C/laahi Xaashi uu xoog kusoo galay qunsuliyadda guud ee Cadan isaga oo wata Maleeshiyaad uu lacag soo siiyey,  waxayna xoog ku qaateen qeyb kamid ah furayaashii xafiisyada, lacag iyo Smartphone, waxaa xoog sheegasho qunsuliyadda looga saaray dhammaan shaqaalihii, kuwii cuntada ii karinayey, waxaana la jaray korantadii iyo Taleefankii”

Dhanka kale, Goobjoog News ayaa qadka taleefanka kula xiriirtay safiir C/laahi Xaashi Shuuriye si aynu arrintan waxbadan uga ogaanno, waxa uu inoo sheegay in wasaarada ay ka warqabto waxa meesha ka socdo, isaguna aanu diyaar u ahayn  inuu bixiyo faah faahin intaasi ka badan.

Sawirada Hoose waa kuwo laga dhex qaaday gudaha xarunta

© Goobjoog News

Aa3 Aa2 Aa1