U bood dhigaalka

Sawirro: Daahfurka “UPD” Oo Ah Xisbi Ay Ku Bahoobeen Siyaasiyiin iyo Xildhibaannaddii ugu Badnaa BFS

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta Muqdisho lagu daahfuray xisbiga midowga nabadda iyo horumarka, waa xisbi qaran oo ay ku bahoobeen in ka badan 80 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin bulshada caan ka ah, aqoonyahan, indheergarad, haween, dhalinyaro iyo dhammaan qeybalaha kala duwan ee ku nool guud ahaan jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xisbigan oo isaga oo weyn dhashay, waa isbadal-doon, waa midowga ururada Daljir, Peace and Development Party (PDP), Kutlada Horusocod, siyaasiyiin iyo aqoonyahan indho u ah bulshada Soomaaliyeed.

Marka laga soo tago mas’uuliyiinta, xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka, xafladda daahfur-ka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa 3 xisbi qaran, siyaasiyiin madaxbannaan iyo marti sharaf kale, iyada oo si weyn looga hadlay isbadalka uu xisbigan cusub ku keeni karo siyaasadda Soomaaliya.

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka, waxaa guddoomiye  KMG u ah Xasan Sheekh Maxamud, oo ahaa madaxweynihii 8-deedaad ee Soomaaliya 2012-2017.

Mudane Xasan waaa aabihii Federalism-ka Soomaaliya,  isaga ayaa dhisay Jubbaland (2013), South West (2014), Galmudug (2015)  iyo HirShabelle (2016), wuxuuna dhismahooda ka galay gorgortan iyo dadaal dheer oo sanado qaatay.

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) waxaa uu fursado gaar ah u diyaariyey dhalinyarada, waayo waa laf-dhabarta umadda, waxaa ay dhalinyarada noqon-doonaa hoggaanka lagu tashto. Si la mid ah dhalinyarada, Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) waxaa qeyb muhiim ka ah haweenka, waxaa ay ka mid yihiin aasaasayaasha, waana kuwa u suuro-gelin-doono inuu xisbiga galo guri walba oo Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta xisbiga oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegeen in ay hadda xoogga saarayaan sidii shirweyne heer qaran, oo dal iyo dibad la isaga yimaado, laguna doorto maamul rasmi ah u yeelan lahaayeen March 2019-ka.

Goobjoog News

Sawirrada Xafladda Daahfurka Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD)