U bood dhigaalka

Sawirro: Dab Ka Kacay Suuqa Ugu Weyn Ee Xeryaha Dhadhaab

Sheeko:Dalka

Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa habeenkii xalay ahaa ka kacay suuqa ugu weyn ee xeryaha Dhadhaab iyadoo warar dheeraad ah laga helayo qaabka dabkan uu u kacay.

Suuqan ayaa ahaa mid aad u weyn, waxaana lagu iibin jiray waxyaabaha quudul daruuriga ah, waxaa sidoo kale lagu iibin jiray dharka, waxyaabaha la isku qurxiyo, qalabka dhismaha iyo midka gaadiidka.

Dabka ayaa baabi’iyey inta badan suuqaasi, waxaana jirin dabdamis ka qeybqaatey daminta dabkaasi mudadii uu socdey maadaama halkaasi aanu yaalin dabdamis.

In ka badan 20 qof ayaa la sheegay in dhaawacyo fudud ay kasoo gaareen dabkaasi, iyadoo halkaasi ay gurmad usoo sameeyeen hay’ado dhanka caafimaadka ah.

Khasaaraha hantiyeed ee halkaasi ka dhashay weli lama shaacin, balse khasaaraha ayaa ah mid aad u weyn maadaama suuqa uu weynaa.

Dabkaan ayaa wararka qaar waxay sheegayaan inuu ka kacay koronto, waxaana socda baaritaanka waxa sababay in dabkaan uu kaco.

Suuqan gubtay waxaa usoo dukaameysi tagi jirey dhammaan qaxootiga ku sugan Dhadhaab, sidoo kalena waxaa halkaasi ka adeegan jiray shacabka deggan deegaannada ku dhow halkaasi.

Hoos ka arag sawirada

005 004 003 002 001

Goobjoog News