U bood dhigaalka

Sawirro: Degmada Shibis Oo Burburisay Xarun Caafimaad Oo Lagu Daweeyo Bukaannada Qaaxada iyo HIV/AIDS

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Shibis  iyo midka gobolka Banaadir ayaa lagu eedeeyey inay burburiyeen xarun caafimaad oo lagu daweyn jirey dad ka badan 500 oo qof, kuwaas oo qaba xanuunnada Qaaxada iyo HIV/AIDS.

Dr. C/risaaq Yuusuf Axmed, agaasimaha daaweynta, qalabka iyo xarumaha caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey dhacdadan, isaga oo sheegay in hadda ay halis ku jirto xaaladda bukaannadaasi “Waa xarun lagu daweeyo dadka qaba cudurka qaaxada iyo kuwa la nool hiv/aids oo ka qaada daawada ARC-da ayaa maamulka waxaa uu xiray maalintii Khamiista albaabka, waxaa uu sidoo kale katarabiil geliyey xaruntii iyada oo wasaaradda iyo howl-wadeenada caafimaadka aaney ka war-qabin, ciidamo la geeyey”.

Dr. C/risaaq Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale ka waramay ahmiyadda xarunta ” Xarunta waxaa ay furneyd 12 sano, 2006-dii waxaa lagu bilaabay qaaxada, 2008-diina  hiv/aids, waxaana dib loo dayac tiray 2014-kii, waa dhul dowladeed, oo dowladdii tan ka horeysay garatay in loo dhiso bukaanka qaba cudurrada faafa, laguna kontaroolo, xarunta waxaa yaalo Meshiinno waaweyn oo lagu baaro nooca qaaxada iyo kan lagu xisaabiyo heerka difaaca jirka ee bukaanka HIV-ga, si loo siiyo daawo baxnaanineyso, waxaa daawo ka qaato ilaa 500, 290 in ka badan waa qaaxada halka 200 ka badan ay yihiin hiv/aids”.

Dr. C/risaaq Yuusuf Axmed, agaasimaha daaweynta, qalabka iyo xarumaha caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka waxuu sheegay in labo maalin ay bukaannadii daawo la’aan yihiin isla markaana aan looga soo jawaabin qoraallada ay u direen maamulka ” waxaa dhibaato ah haddii dowladda qeybteedii oo ahaa dhulka, maadaama daawada, qalabka iyo mushaarka shaqaalaha kulli uu ajnabi naga bixiyo, dowladdu waxay bixisay waa gurigaas, waxay taasi dhibaato xun ku tahay bukaanka iyo guud ahaan adeegga caafimaad ee deeqbixiyeyaasha bixiyaan”.

Dhinaca kale, Goobjoog News, waxaa ay la xiriirtay guddoomiyaha degmada Shibis Safiyo Sheekh Cali Jimcaale  si ay uga jawaabto eedeynta loo soo jeediyey ee burburinta xarun caafimaad, iyada oo diiday inay ka hadasho ama bixiso wax faah-faahin ah oo arrintan la xiriirta