U bood dhigaalka

Sawirro: Dibad-baxayaal Xirtay Marinnada Ugu Muhiimsan Caasimadda Muqdisho

Sheeko:Amniga

Dibad-baxayaal careysan oo dhagxaan tuuraya ayaa goordhow  waxaa ay xireen qaar ka mid ah jidadka Muqdisho, iyaga oo gawaariga u diiday iney maraan.

Darawallada BL-ka ka shaqeeya gudaha Muqdisho ayaa dhigaya dibad-baxyada iyaga oo ka cabanaya jidadka xiran ee guud ahaan caasimadda.

“Canshuur ayaan bixinaa haddana jid aan marno ma leh, waan soco weynay, ee waa in gawaarida kale istaagaan”, waxaa ku qeylinayey mid ka mid ah dibad-baxayaasha.

Jidadka ay xirteen waxaa ka mid ah Zoobe, midka Buulo-Xuubeey iyo qaar kale, waxaa kale oo la diiday xataa gawaarida ciidamada iney maraan, waxaana dhaca xabado.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Cumar Filish oo markii uu imaanayey balan ku qaaday inuu jidadka furo, 2 bil ayuu joogaa ilaa hadda far ma dhaqaajin.

Wararkan oo faahfaahsan kala soco halkan

Goobjoog News