U bood dhigaalka

Sawirro: Dibadbax Lagu Tageerayo Go’aankii Xaaf Ee Xiisadda Khaliijka Oo Ka Dhacay Cadaado

Sheeko:Dalka

Shacab badan ayaa maanta waxay dibadbax ay ku taageerayaan go’aankii uu madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu ka qaatay xiisaddii Khaliijka waxay ka dhigeen degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dadkaan ayaa watey boorar waaweyn oo ay ku qoran yihiin erayo iyo hal ku dhigyo ay ku muujinayaan sidey ku taageersan yihiin madaxweyne Xaaf.

Waxay sheegeen  dadkaan in go’aankii Galmudug ee xiisadda Khaliijka, gaar ahaan midka uu gaaray madaxweynaha yahay mid uu ku saxan yahay, uuna ogyahay madaxweynaha waxa u dan ah Galmudug, waa sidey hadalka u dhigeen.

Madaxda Galmudug ayaa ku muransan go’aanka Xiisadda Khaliijka, kadib markii madaxweynaha maamulkaasi la saftay xulufada Sacuudiga, halka ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudugna ay sheegeen in arrintaasi dhex dhexaad ka yihiin oo ay uga dambeynayaan dowladda Federaalka.

Halkaan hoose ka arag sawirada:

Goobjoog News

C3 C2 C1