U bood dhigaalka

Sawirro: Dibadbaxyo Rabshado Wata Oo Ka Socda Buulo-burde

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ka socdaan dibadbaxyo rabshado wata.

Dadweyne kasoo horjeeda guddoomiyaha cusub ee degmadaasi loo magacaabay ayaa isku soo bax sameeyey, waxaana la sheegay iney taayaro gubeen, kuna banaanbaxeen xarumo ay ciidanka AMISOM leeyihiin.

Rasaas ay fureen ciidamo halkaasi ku sugan ayaa la xaqiijiyey in Hal qof ku dhintay Labo kalena dhaawac uu kasoo gaaray.

Xaaladda Buulo-burde ayaa ah gabi ahaamba mid kacsan, lamana oga sida ay wax ku dambeyn doonaan.