U bood dhigaalka

Sawirro: Dowladda Masar Oo Deeq Raashin Iyo Dawo Ah Ku Wareejisay Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Diyaarad Milatari oo laga leeyahay dalka Masar ayaa maanta magaalada Muqdisho keentay raashiin gar gaar ah iyo dawo loogu talogalay in lagu caawiyo dadka abaartu saameysay.

Raashinkan iyo dawadan ayaa lagu wareejiyey dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guddiga qaran ee gurmadka abaaraha si ay u gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed ee u baahan.

Safiirka masar ee Soomaaliya, Mowliid Maxamed oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in dowladdooda ay badin doonto gurmadka abaaraha, wuxuuna sheegay in Todobaad gudahiisa ay sidan oo kale u keeni doonaan raashiin gargaar ah.

Drs Fowsiya Abukar, wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in deeqdan ay waxbadan u tari doonto dadka ay abaartu saameysay, waxaana ay u mahadcelisay dowladda Masar.

Waxay sheegtay Drs Fowsiyo in aan la iloobi doonin cid walbo oo kaalin ka qaadata gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Cilmi Cumar Caysane, wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka ayaa isna sheegay in deeqdan raashiinka ah iyo dawadan ay keentay dowladda Masar ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu qeybin doonaan dadka ay saameysay abaarta, wuxuuna ballanqaadey in dadka si cadaalad ah loogu qeybiyo.

Dowladda Masar ayaa muujineysa dedaal ay ku xoojineyso xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Goobjoog News

M5 M4 M3 M2 M1 M6