U bood dhigaalka

Sawirro: Dowladda Oo Ka Warbixisay Waxqabadkeeda Todobaadkii Tagey

Sheeko:Dalka

Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Miisaaniyada 2017

Wasaarada Maaliyada ayaa Golaha Wasiirada 08dii June 2017 hordhigtay xisaab-xirka miisaaniyada iyo isagoo ka codsaday Golaha Wasiirada inay ansixiyaan Miisaaniyada 2017. Golaha Wasiirada ayaa ka dooday xisaab xirka miinasaaniyaddii hore iyo meel marinta miisaaniyadda 2017, waxaana goluhu isku raacay ansixinta miisaaniyadda cusub oo ka kooban $246 Malyuun oo dollar, taasi oo dawladdu ku shaqeyn doonto inta ka dhiman sanadkan.

Madaxweyne Farmajo oo dhagax-dhigay dhismaha xarunta Dowlada Federaalka ee Jubbaland

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo gaaray 6dii June 2017 magaalada Kismaayo ee xarunta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dhagax-dhigay xarunta Dowladda Federaalka ay ku yeelaneyso Jubbaland. Safarka Madaxweynaha ayaa waxuu qeyb ka ahaa qorshaha iyo siyaasada is-gaarista dhammaan deegaanada dalka iyo u kuurgelida xaalada Jubbaland. Madaxweynaha ayaa labadii maalmood ee uu ku sugnaa Kismaayo wadahadal la yeeshay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxda Jubbaland, ciidamada XDS iyo shacabka Jubbaland.

Soomaaliya oo dabagal weyn ku sameyneysa hirgelinta go’aanadii Shirkii London

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Safiirka UK ayaa shir guddoomiyey 7dii Juun 2017 kulan muhiim ah oo looga hadlayay fulinta qodobadii ka soo baxay shirkii London, gaar ahaan qeybta amniga iyo sidii wadajir looga shaqeyn lahaa taabagelinta heshiiska. Qodobada muhiimka ah ee shir diiradda lagu saaray waxaa kamid ah dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka. Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka iyo inta badan safiirada beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Shirka Wadatashiga Wasiirada Arrimaha Gudaha oo lagu qabtay Jowhar

Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirweyne Qaran ku qabatay Jowhar oo ay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada uga tashanayeen hirgelinta barnaamijka Wadajir ee dardargelinta daadejinta nidaamyada dowladaha Hoose ee dalka.

Shirweynahan ansixinta siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo Muqdisho lagu qabtay

Ra’iisul wasaare ku Xigeenka Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa ka qeybgalay 7dii June 2017 Shirweynaha ansixinta siyaasadda Qaran ee Dhalinyarada oo ay soo qabanqaabisey Wasaarada Dhalinyarada & Ciyaaraha. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dhallinyarada, Wasiir ku xigeenka, Wasiirada dowlad Goboleedyada, Ururrada Dhalliyarada, Dhalliyarada Gobolka Banaadir, Ururrada Arrimaha bulshda iyo Dhallinyaro ka kala socotay degmooyinka Goblka Banaadir. Wasiirka Dhalliyarada xukuumadda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in talooyinka wanaagsan ee shirkan ka soo baxa la Uruurin doono si loo jeheeyo siyaasadda Qaran ee Dhalliyarada.

Wasaarada Gargaarka oo 40 Kontenar oo raashin ah ka guddoontay Dalka Indonesia

Hey’ada ACT ee Dalka Indensia ayaa 5tii June 2017kii 40 Konteenar oo raashin ah ku Wareejisay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareenta Musiibooyinka ee Xukuumada Soomaaliya Drs Maryan Qaasim Axmed, deeqdaasi oo loogu tala galay in la gaarsiiyo dadka danta yar ee ku nool Gobollada Dalka ee ay saameeyeen abaaraha ka jiray dalka. Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka, Mamaulka Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka iyo mas’uuliyin kale ayaa goob joog ka ahaa deeqdan Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya lagu wareejiyay.

Shacabka oo si buuxda u taageeray Waxqabadka Dowladda ee 100kii Maalmood

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa 4tii June 2017kii shacabka kula hadlay Garoonka Ciyaaraha ee Benaadir (Conis Stadium). Shacabka Soomaaliyeed ayaa isu soo baxay iyagoo taageeraya waxqabadka Dowladda ee 100kii Maalmood ee ugu horeysey tan iyo markii Madaxweynaha la doortay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo koobay waxii u qabsoomay Dowladda, halka uu Madaxweynaha uu soo xiray kulanka isla markaasna shacabka uga waramay hiigsiga dowladda iyo sida ay dowladda uga go’antahay in dalka loo gaarsiiyo doorashooyin hal cod iyo hal qof ah.

Wasaarada Boostada & Isgaarsiinta oo e-mailada .so siineysa hay’adaha Dowlada

Wasaarada Boostada, Isgaarsiinta & Teknolejiyada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa 6dii June 2017 si rasmi ah ugu dhowaaqday inay hay’adaha dowlada siineyso isticmaalka e-mailada .SO oo ah astaanta internet-ka Qaranka Soomaaliya.

Howlgalka Xasilinta Caasimada Muqdisho oo si fiican u socda

Dowladda Federaalka ayaa bilowday dhaqangelinta go’aanadii Golaha Wasiirada ee 11kii May 2017 iyadoo ciidamo gaaraya 1500 oo isku dhaf ah in muddo ah u socdeen tababar iyo wacyigelin. Howlgalkan oo si fiican u socda ayaa waxaa lagu soo qabqabtay hub fara badan iyo shaqsiyaad ay baaris ku socoto. Mudada uu howlgalka socday ayaa waxaa laga hortagay falal argagaxisadu damacsanaayeen inay shacabka ku waxyeeleeyaan.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska

W8 W7 W6 W5 W4 W3 W2 W1