U bood dhigaalka

SAWIRRO: Dowladda Turkiga Oo Gaadiid Iyo Qalab Dhisme Ku Wareejisay Maamulka G/banaadir

Sheeko:Dalka

Dowladda Turkiga ayaa maanta qalab gaadiid iyo agab kale ku wareejisay maamulkaa gobolka Banaadir, kadib markii uu magaalada Muqdisho yimid Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalkaasi Veysi Kaynak.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Injineer Mahdi Axmed Guuleed oo weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda an walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Veysi Kaynak.

Labada Ra’iisul Wasaare ku xigeen ayaa wadajir u booqday xarunta Bisha Cas ee Turkigu ku leedahay Muqdisho, halkaas oo Maamulka Gobolka Banaadir uu ku wareejiyey Gaadiid iyo agab kale oo loogu talagalay in kor loogu qaado Bilicda Caasimadda Muqdisho.

Mudane Veysi Keynak ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxana ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka Labada dal iyo taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan abaaraha ka jira dalka iyo sidii ay gacan mugleh uga geysan lahaayeen.

—-DHAMMAAD—-

001 002 003 004 005 006 007 008 009 10