Sawirro: Faah Faahin Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Qaraxii Galabta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Sheeko:Dalka
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qatax gaari oo maanta ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho.
Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa la dhigay meel wadada dhinaceeda ah una dhaxeysa Isgoyska Shaqaalaha iyo sido kale Taree Biyaano.
Ciidamada ayaa ka war helay gaarigan , waxaana ay xireen wadada, iyadoo inta howlgalka socday la sheegay in gaariga uu qarxay.
Labo qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyey in ay halkaasi ku dhaawacmeen, waxaana sidoo kale jira burbur soo gaaray xarumo ganacsi oo halkaasi ka dhawaa.
Saraakiisha ammaanka oo halkaasi gaaray ayaa sheegay in ciidamada ay fashiliyeen qaraxan, islamarkaana suurtageliyey in shacab badan la badbaadiyo.
Halkaan hoose ka daawo sawirada