U bood dhigaalka

Sawirro: Faah Fahin Laga Bixiyey Safarradii Uu Madaxweyne Farmaajo Ku Tagay Kenya Iyo Ivory Coast

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qeybgalkii caleema-saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Shir-madaxeedkii Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast.

Shirkan oo muddo labo cisho ah socday ayaa waxyaabihii madaxdii halkaas isugu timid ay isku afgarteen waxaa kamid ahaa in labada qaaradood ee dariska ah ay yeeshaan mustaqbal wadaag dhabaha u xaaraya iskaashi buuxa oo dhex mara dalalka Afrika iyo Yurub.

Mawduuca shirka ee sanadkan ayaa waxaa loo doortay arrimaha dhallinyarada iyada oo ay kasoo qeyb-galeen dhallinyaro ka socota labada qaaradood si ay uga warbixiyaan xaaladahooda iyo himilooyinkooda mustaqbalka.

Arrimaha Madaxda Afrika iyo Yurub ay isla qaateen ayaa waxaa ka mid ah in si deg deg ah looga jawaab celiyo dhibaatooyinka isa soo taraya ee dalka Liibiya ku haysta kumannaanka Muhaajiriinta Afrikaanka ah, iyadoona loo xil saaray arrinkan in ay warbixin iyo baaritaan ka soo sameeyaan diblumaasiyiin uu hoggaaminayo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika Mudane Maxamed Cali-Nur Xaaji.

Sidoo kale, Madaxdii halkaas isugu timid waxa ay isku afgarteen in la ixtiraamo madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka labada qaaradood, isla markaasna laga hortago in dowlado sharci ah lagu rido nidaam aan dastuurka dalalkaas waafaqsaneyn, lagana fogaado faragelinta arrimaha gudaha ee dal kamid ah dalalkan bah-wadaagta ah.

Dhanke kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf-Garaad Cumar ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Lithuania Mudane Linas Linkevičius, iyaga oo kala saxiixday heshiis lagu abuurayo xiriir diblomaasiyadeed oo dhex mara labada dowladood. Wasiirka ayaa sidoo kale kulan la qaatay Wasiir Ku Xigeen Arrimaha Dibadda ee Romania oo ay isku afgartay in dib loo yagleelo xirriirkii ka dhaxeeyay labada dowladood, iyadoona sido kale la isla meel dhigay in ay iska kaashadaan dhinacyada wax soosaarka, tayeynta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.

Madaxweynaha ayaa intii uu socday Shir-Madaxeedka labada qaaradood ee Afrika iyo Yurub waxa uu kulamo gaar ah la yeeshay Madaxwyenaha Ivory Coast Alassane Ouattara, Rai’iisul Wasaaraha Sweden Stefan Löfven, Ra’iisul Wasaaraha Finland Juha Sipilä, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska Boris Johnson, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres iyo Madaxweynaha Baanka Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.

Madaxda Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay in Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika iyo Yurub ay yeeshaan kulan sanadle ah si loo xoojiyo xiriirka iskaashiga iyo wax wada-qabsi ee labada qaaradood.

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeybgalay shirkan ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf-Garaad Cumar, Dajiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya Mudane Maxamed Calinuur Xaaji, Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Mudane Cali Siciid Faqi, La-taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda Mudane Balal Cusmaan iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Barlamaanka.

-DHAMMAAD-

M7 M6 M5 M4 M3 M2 M1