U bood dhigaalka

SAWIRRO: Faahfaahin Ku Saabsan Maxaabiista Ay Galmudug Soo Bandhigtay

Sheeko:Dalka

Maxaabiistani oo ay soo bandhigtay Galmudug waxaa ay gaarayaan illaa seddex askari oo qaarkood ay ka muuqatay dhaawacyo dagaallada ka soo gaaray jirkooda.

Mid kamid ah raggii maanta Gaalkacyo lagu soo bandhigay ayaa saxaaafadda la hadlay oo ka sheekeeyay sababihii uu ku yimid Gaalkacyo.

“Gaalkacyo waxaa joogaa labo bil aniga nin askari ah baa ahaa oo Kismaayo lagu soo tababaray oo Millateri ah haddana waxaa loo soo baxay howlgal ah in alshabaab lala dagaallo oo Gaalkacyo jooga, Cadow Aadan taliye la dhaho ayaa sidaas dhahay, aniga ciidanka Jubbaland oo Gaalkacyo la keenay baa kamid ahay tira ahaan 700 oo ciidan baa ahayn hadda xaaladdayda waa fiican tahay waxaana la iga soo qabtay dagaalka meesha uu ka socdo, ma arag alshabaab ee waxaan arkay labo maamul ee Galmudug iyo Puntland oo isdagaalsan balse sidaas na looma soo sheegin” ayuu yiri askarigaasi.

Dhanka kale, taliyaha qeybta booliska Galmudug ee gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe Maxamed Nuur Cali(Gadaar) oo warbaahinta la hadlay ayaa eedeyn culus u jeediyay madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas oo shalay oo ugu dambeysay sheegayay in dowladda federaalka ay dagaalka Gaalkacyo qeyb ka tahay.

“Waxaan soo qabanay maxaabiis gaaraya 10 kuwaasoo ka tirsanaa dhammaantood ciidanka Puntland lagana kala keenay meelo kala duwan sida Kismaayo, Boosaaso, Buuhoodle iyo Laascaanood dhulkaas oo dhan laga soo aruuriyay oo hadda ku xiran saldhigga Booliska , Cabdiweli Gaasna uu maalin walba wuxuu ku eedeeyaa dowladda federaalka inay dagaalka ku jirto, waxaase cad in isaga uu meel walba uu qeylodhaan geeyay illaa Kismaayo uu taagan yahay waxaan la dagaallamayaa Alshabaab waxaana caddeyn idin kugu filan maxaabiistani oo aad wareysato waxaana cad Cabdiweli Gaas inuu yahay dagaal ooge raba dhiigga shacabka” ayuu yiri G/dhexe Gadaar.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta yara deggan waxaana ciidamada Galmudug iyo Puntland ay weli isku horfadhiyaan goobihii ay ku dagaallameen dhanka kale dadkii shacabka ahaa ayaa weli magaalada kaga maqan colaaddani darteed.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:

 maxaabiis-1

taliyaha-booliska-galmudug-ee-mudugmaxaabiis-2 maxaabiis-3 maxaabiis-4 maxaabiis-5

Goobjoog News