U bood dhigaalka

Sawirro: Filish Oo Ka Shaqo Bilaabay Fiisho Governo

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Cumar Filish) ayaa maanta si rasmi ah uga shaqo bilaabay xafiiska dowladda hoose ee Xamar  Fiisho Governo( Ufficio Governo ).

Mr. Filish ugu horeyntii, ayaa saaka waxaa uu kulan gaar ah la qaatay gudoonka sare ee maamulka gobolka Banaadir oo shirka ka qeybgalay.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid uu duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish kala hadlayay guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir in la dardargaliyo howlaha ay dowlada hoose Xamar ugu qidmeyneyso bulshada ku dhaqan caasimada jamhuuriyada federaalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulankani ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa xoojinta islaxisaabtanka iyo ladagaalanka musuq maasuqa taas oo qeyb ka ah siyaasada guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Cumar Filish) oo 29-ka bishan August la wareegay xilkaasi.

Goobjoog News