U bood dhigaalka

Sawirro: Garoonka Diyaaraha Baladweyn oo Dib u Dhis Lagu Bilaabay

Sheeko:Amniga

Wafdi uu horkacayay sii ahayaha wasir kuxigenka wasarada  gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya  Xirsi Aadan Rooble oo uu wehliyo mareeyaha guud ee hay’ada dulista rayidka ee Soomaaliya Axmed Macalin Xasan ayaa maanta tagay magaalada Beledweyn.

Mas’uuliyiinta ayaa waxaa ay ku warejiyeen maamulka gobolka  Hiraan qalabka isgarsinka diyaradaha lagu hago iyo shaqale ay so taba bartay hay’ada duulista rayidka ee Soomaaliya kuwaas oo ka howlgali doona garonka diyaradaha ugaas Khalif ee Beledweyn.

Wararka ayaa sheegaya in la dhagaxdhigay garoonka si dib u dhis loogu sameeyo jidka diyaaradaha, kaas oo marar badan dhibaato ka dhalatay. Garoonka diyaaradaha Beledweyne waxaa dhawaan ku burburtay diyaarad shixnad u waday ciidanka AMISOM,waxaana loo aaneeyay cilad dhinaca garoonka ah. Garoonka Beledweyne ayaanan hore u lahaayn shaqaale ku xiran hay’ada duulista Soomaaliya.

Goobjoog News