U bood dhigaalka

Sawirro: Gobolka Banaadir Oo Burburiyey Dhisme Jardiin Oo Horey Looga Guuray

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay burburin ku sameeyey dhisme horey looga sameystay jardiinkii KM-4 ee magaalada Muqdisho, kaasi oo muddo badan aan la isticmaalin.

Jardiinkan ayaa horey waxaa u dhistey ganacsato oo Maqaayad yar u ahayd, hase ahaatee muddo ka badan Sanad lama isticmaalin oo waa ay xirneyd.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cismaan Yariisow ayaa sheegay in howlgalkan lagu burburiyey dhismahan qeyb ka yahay qorshaha dib loogu baneynayo shacabka goobaha jardiimada ah.

“Muddo ayaan u qabannay dadka sida gaarka ah u isticmaalayey dhulka danta guud, muddaas oo hadda dhammaatay kadib, waxaan bilownay qorshihii dib loogu soo celin lahaa goobahaas, gaar ahaan jardiinooyinkii oo noqon doona kuwo ay ku nastaan bulshadu”

Duqa Muqdisho ayaa dhanka kale sheegay in ammaanka howlgallada sidan oo kale ah ay socon doonaan, waxaana taasi ay qeyb ka tahay qorshe uu horey maamulka gobolka Banaadir ugu dhowaaqay oo ah in la burburin doono dhammaan dhismeyaasha laga sameeyey jardiimadii ku yaallay isgoysyada Muqdisho.