U bood dhigaalka

Sawirro: Hantida Ku Burburtay Qaraxii Dhawaan Ka Dhacay Hotel Wehliye , Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maalin ka dib qaraxii ka dhacay wadada makka Al-mukarrama gaar ahaan nawaaxiga hotel Wehliye, ayaa Goobjoog News waxay booqasho ku tagtay halkaasi, si ay ugu kuurgasho khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay qaraxaasi maadaama ay burbureen xarumo badan oo ganacsi.

Wariyeyaal ka tirsan Goobjoog News, ayaa la sheekeystay qaar kamid ah ganacsato dad iyo hanta ku waayey halkaasi, iyadoo meelaha qaar ee burburay durba lagu bilaabay dayactir.

Marka la eego goobaha ganacsi ee ku burburay qaraxa ayaa waxay gaarayaan Shan ilaa Lix goobood oo ka ag dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay, waxaase jira guryo deegaan ahaan loo deggan yahay oo halkaa ka dhowaa misane qaraxaasi uu saameeyey.

Goobaha khasaaraha soo gaarey ayaa isugu jira xarumo lagu iibiyo bagaashka, carwooyin dharka lagu gado, xarumo lagu iibiyo dawooyinka (Farmashiye) iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Khaar ka mida ganacsatada uu soo gaaray khasaaraha hantiyadeed oo Goobjoog News la hadlay ayaa waxay sheegeen inuu qaraxa uu u geestay burbur hantiyadeed, waxaana ka mida dadkaa oo aan la hadalnay  Farxiyo Axmed oo iyadu ka mid aheyn dadkii ka soo gaaray qaraxa khaaro badan waxaana uga burburtay hanti gaareyso 15,000 (Shan iyo Toban Kun) oo doolarka Maraykanka ah.

“Qaraxa waxa uu ii geystay khasaare hantiyeed oo aad u ballaaran, waxaa iiga burburtay lacag gaareysa 15 kun oo doolar, waxaana hadda ku guda jiraa dayactrika goobteeda shaqo taasi oo iiga baxayso lacagta iga burburtay mid la eg” Farxiyo ayaa sidaasi tiri.

Axmed Xuseen Geesay oo isna dhankiisa Goobjoog News la hadlay ayaa  sheegay in qaraxa uu u geystay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed intaba.

Waxa uu tilmaamay in qaraxaasi uu ku waayay wiil uu dhalay, dhanka kalena uu burbur xooggan uu soo gaaray mehrad ganacsi oo uu ku lahaa agagaarka Totel Wehliye.

“Qaraxa waxan ku waayay wiil aan dhalay sidoo kale goobteeda shaqada waxaa soo gaaray burbur xooggan, waxaa iiga khasaartay lacag dhan 500 dollar, dayactirka alaabta hadaan dhaho waan badalaa oo alaab cusub ayaan keensanaa waxaa iiga baxayso lacag dhan 2,000 (Labo Kun) oo doolar, balse teyda haddaan dayactirto waxaa iiga baxayso 600-700 doolar” ayuu yiri Geesey.

Dadka  uu soo gaaray khasaaraha hantiyadeed ayaa waxa ka mida Axmed Siyaad oo isagana qaraxaasi u khasaare badan oo uu sheegay inay gaarayso lacag dhan 1,000 (Kun doolar).

“Waxaa iiga burburtay lacag dhan Kun doolar, hadana waxaan rajeynayaa inaan dayactirto mehradeyda ganacsi” ayuu yiri Axmed Siyaad.

Khasaaraha hantiyeed ee kasoo gaaray dadka shacabka ah qarixii maalin ka hor ka dhacay nawaaxiga hotelka Wehliye, waxay noo sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan ka helin wax magdhow ah ama in dib loogu tayactiro goobahooda ganacsi oo ay ku sugayeen dowladda Soommaliya.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horay u ballan qaaday markii uu ku jiray ololihiisa doorashada in dowladda Soomaaliya ay qaadan doonto mas’uuliyadda khasaaraha hantiyadeed oo ay geestaan qaraxyada ka dhaco Muqdisho, isagoo tilmaamay in ay siinayaan dadka magdhow iyo inay u dhisayaan goobahooda.

Inta badan qaraxyada ka dhaca dalka ka sokow dadka dhinta waxaa sidoo kale ka dhasha khasaare hantiyeed oo aad u badan.

W/D: Jaamac Shidane

Goobjoog News

KODAK Digital Still Camera

KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera
KODAK Digital Still Camera