U bood dhigaalka

Sawirro: Jawaari Iyo Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Puntland, Galmudug Iyo Hirshabelle Oo Gaaray Baydhabo

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa gaaray guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, guddoomiyeyaasha baarlamaannada maamul goboleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo Puntland.

Wafdigan gaaray Baydhabo waxaa sidoo kale kamid ah, guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka K/galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa iyo mas’uuliyiin kale oo maamulkaasi ah ayaa wafdigan kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

Ulajeedka xubnahan u tageen magaalada Baydhabo ayaa ah sidii ay uga qeybgali lahaayeen shir maalinta berri ah ka furmaya magaaladaasi, wuxuuna socon doonaa Labo cisho.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana shirkan lagu waday inuu maanta furmo, balse maalinta berri ah ayuu dib ugu dhacay.

Halkaan hoose ka daawo sawirada:

Goobjoog News

jawaari-5-640x427 jawaari-3-640x427 jawaari-2-640x427 Jawaari-1-640x427