U bood dhigaalka

Sawirro: Jubbaland Oo Ciidamo Dheeraad Ah u Dirtey Duleedka Kismaayo

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa ciidamo badan oo dheeraad ah u direy deegaanno ku dhow magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, halkaasi oo ay ka socdaan dagaallo u dhaxeeya ciidamada maamulkaasi oo kaashanaya kuwo deegaan iyo Al-shabaab oo dhinac ah.

Ciidamadan oo hubeysan ayaa lagu daabuley gaadiidka waaweyn ee dagaalka, waxaana la sheegay iney tagi doonaan deegaanno hor leh oo gobolka Jubada Hoose kaga sugan yihiin Al-shabaab.

Aadan Koojaar oo ah taliyaha ciidamada Jubbaland oo la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in ciidamadan ay Al-shabaab ka saari doonaan deegaannada Jubbaland, gaar ahaan meelaha hadda dagaallada ay ka socdaan ee Jubada Hoose.

Waxa uu tilmaamay taliyaha iney u diyaarsan yihiin difaaca shacabka Jubbaland, islamarkaana ay ciidanka naftooda u huri doonaan iney la dagaallamaan Al-shabaab.

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Jubbaland iyo Al-shabaab ayaa Todobaadyadii ugu dambeeyey ka socdey deegaanno ku dhow Kismaayo, waxaana dagaalladaasi ay sababeen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

001 002 003 004 005 006 008 0074

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada