U bood dhigaalka

SAWIRRO: In Ka Badan 20 Qof Oo Ku Geeriyootey Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax aad u xooggan ayaa saakay ka dhacay nawaaxiga dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa qarxa ayaa lagu qarxiyey goob barxad ah oo kasoo horjeedda dekadda Muqdisho, halkaasi oo ahayd meel ay ka cunteeyaan muruq maalka dekadda Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey 22 ruux oo u badan muruqmaalkii dekadda Muqdisho iyo haween halkaasi raashiin ku iibinayey ayaa goobtaasi ku dhintay iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Dadka dhintey waxaa sidoo kale ku jirey darwallo gaadiid oo doonayey dekadda iney galaan iyo sidoo kale shacab meesha marayey.

Khasaaraha ayaa intaan ka badan karo maadaama dad badan oo dhaawacyo halis ah qaba loola cararay isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegeen iney iyagu ka dambeeyeen qaraxaasi, ayana bartilmaameedsadeen askar ka tirsan dowladda Federaalka.

Hoos ka daawo sawirada iyo khasaaraha soo gaarey shacabka

img_1592 img_1593 img_1594 img_1596 img_1597 img_1598 img_1599 img_1600 img_1601 img_1602 img_1603 img_1604 img_1605 img_1606 img_1607 img_1608 img_1609 img_1610 img_1611 img_1613 img_1614 img_1615 img_1616 img_1618 img_1619 img_1620 img_1622 img_1623 img_1624 img_1625 img_1627 img_1629 img_1632 img_1633 img_1634 img_1635 img_1636 img_1637 img_1641 img_1642 img_1643 img_1645 img_1647 img_1648 img_1650 img_1651 img_1652

Goobjoog News