U bood dhigaalka

Sawirro: Kulan Ku Saabsan Mashriicda Horumarinta iyo Dib u Dhiska Dalka Oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta daah-furay shirkii xogwaraysiga ahaa ee mashruuca Horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah golaha wasiirada Soomaaliya, sida Wasaaradaha Qorshaynta, Amniga, Maaraynta &Masiibooyinka, Maaliyada,Kaluumaysiga, Howlaha guud, Beeraha, Arrimaha Gudaha, Haweenta & Xuquuqul insaanka iyo Qaybta gargaarka dawladda. Waxaana lagu soo bandhigay shaxda wax-qabad ee mashruucyada horumarinta iyo dib u dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ka soo qayb galayaasha u sheegay in sanadkan 2018 uu yahay sanadkii wax qabadka, loona baahan yahay guud ahaan in loo istaago sidii loo dar-dargalin lahaa howlaha horyaaala xukuumadda, sidoo kalena loo fulin lahaa mashaariicda iyo balan qaadyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxwaynaha dalka.

“Inta aan la gaarin sanadka 2019 waan in aan soo bandhignaa howlaha aan qabanayno iyo qorshaha Horumarinta qaranka, si bulshada loogu soo bandhigo howlaha dawlada ka dibna ay ula jaan qaadaan.” Ayuu R/W Khader.

Iintaas ka dib madaxda Wasaaradda Gargaarka ayaa soo bandhigay shax ku saabsan dhismaha iyo isuduwidda arrimaha gargaarka iyo tiirarka horumarineed ee qorshaynta qaranka oo ka kooban sagaal tiir oo kala ah, Siyaasad loo dhan yahay, Amniga, Tiirka Cadaalda iyo sareyntasharciga, Koboca haqaalaha, Dhisida Hay’ado Dowladeed oo hufan, Dib u dhiska , Horumarinta Bulshada, Jinsiga iyo Xuquuqda Aadanaha iyo Dhismha Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Khader oo ka hadlayay sagaalka tiir ayaa sheegay sida shaqada loo kala leeyahay isagoo tilmaamay in wasiiradda ay khusayso ay qaataan doorkooda shir-gudoonka tiir walbo oo halkan lagu soo bandhigay, sidoo kalena waxuu ku dhiiri galiyay in ay la xisaabtamaan hay’addaha deeq bixiyayaasha ee Soomaaliya caawiya.

Ugu danbayntii, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa kula dardaarmay Wasiiradii ka soo qaybgalay shirka in ay joogteeyaan shirarka loogo hadlo barnaamijyada Horumarinta iyo Qorshaynta qaranka.

—DHAMMAAD—-

unnamed (5) unnamed (4) unnamed (3) unnamed (2) unnamed (1) unnamed