U bood dhigaalka

Sawirro Laga Helay Gaarigii AMISOM Ku Gubeen Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Habeen kahor  ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa qoriga baasuukaha loo yaqaano waxa ay ku dhufteen gaari nooca loo yaqaan Homey, kaasi oo qudaar usoo wadey dhanka magaalada Muqdisho.

Gaarigan ayeey ku gubeen AMISOM meel ku dhow degmada Qoryooley ee Shabellaha Hoose, waxaana muuqanaya waxyeellada soo gaartay shacabkii saarnaa gaarigan iyo qaabka uu u gubtay.

6-dii qof ee saarnaa gaariga oo Labo kamid ah ahaayeen Haween ayaa gabi ahaantoodba meesha ku gubtay, iyadoo sidoo kale gaariga iyo qudaartii saarneyd ay gubteen.

AMISOM oo qoraal soo dhigey Twitter-kooda waxay sheegeen in aysan ogeyn meel askartooda ay dad shacab ah ku laayeen, iyadoo 24-kii saac ee lasoo dhaafey ay ciidamada AMISOM gobolka Shabellaha Hoose ku dileen 11 qof oo shacab Soomaaliyeed ah.

Hoos ka arag Sawirada

Goobjoog News

a7 a6 a5 a4 a3 a2 a1