U bood dhigaalka

Sawirro: Maamulka Hirshabelle Oo Furaya Waddooyinka Xiran Ee Hiiraan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in dhowaan la furi doono waddooyinka soo gala degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, taasi oo go’ddoonsan muddo Saddex Sano ah, lana soo celin doono xiriirkii ganacsi ee degmadaasi la lahayd gobolka Intiisa kale.

Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay in amni ahaan ay aad u wanaagsan tahay degmada Buuloburde, wuxuuna dhanka kale sheegay in dhammaan adeegyada looga baahan yahay maamulkiisa ay keeni doonaan degmadaasi.

“Magaalada waa mid kasoo kabaneysa dhibaatooyinkii iyo waxyeelladii ay ku hayeen qolooyinkaan nabad diidka ah, umadana u diiday iney hoyato ama ay nasato, magaalada guud ahaan waa nabad, waxay ka xiran tahay daafaha oo waa go’ddoon, waxaan rajeyneynaa in mardhow ay ka baxdo go’doonka, waa la furayaa waddooyinka soo gala Buuloburde, cadowga shacabka magaalada uma ogola ineys isku socdaan ama nabad ku noolaadaan, magaaladaan waa loo fuarayaa dhanka B/weyne iyo dhanka magaalada Muqdisho” ayuu yiri madaxweynaha Hirshabelle.

“Magaalada waxay u baahan tahay in lasoo nooleeyo adeegyo badan, howlihii kale ee dowlad ahaan nalooga baahnaana waxaan rajeyneynaa in la howlgeliyo”

Sidoo kale madaxweyne Cosoble ayaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee Jabuuti uga mahadceliyey sida ay wax uga bedaleen amniga guud ee magaaladaasi.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen degmada Buuloburde waxay degmadaasi ahayd mid go’doon ay geliyeen Xarakada Al-shabaab.

 

Goobjoog News

 

110 111 Buuloburde1 Buuloburde2 Buuloburde3 Buuloburde4 Buuloburde7 Buuloburde8 Buuloburde9 Buuloburde10 Buuloburde11 Buuloburde12 Buuloburde13 Buuloburde14 Buuloburde15 Buuloburde16 Buuloburde17 Buuloburde18 IMG_6464 IMG_6465 IMG_6484 IMG_6485 IMG_6491 IMG_6501