U bood dhigaalka

Sawirro: Maamulka K/galbeed Oo Baydhabo Kusoo Bandhigey Rag Ay Sheegeen Iney Dil Ka Geysteen Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka K/galbeed ayaa maanta oo Sabti ah waxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kusoo bandhigeen Saddex nin oo ay sheegeen in habeen kahor ay magaaladaasi ku dileen Sheekh kamid ahaa ergadii soo doortay xildhibaannada golaha shacabka.

Raggan oo aan magacyadooda loo sheegin saxaafadda ayaa la tilmaamay in ciidamada ammaanka ay kusoo qabteen howlgal ay ka sameeyeen magaalada Baydhabo.

Ku simaha wasiirka amniga K/galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la hayo caddeymo ku filan dadkaan oo ah iney dilkaasi ka dambeeyeen.

Wuxuu sheegay wasiirka in dadkii ku sugnaa halka dilka uu ka dhacay ay raggan ku caddeeyeen iney iyaga falkaasi ka dambeeyeen, islamarkaana maxkamad lasoo taagi doono.

Sidoo kale saxaafadda waxaa loo soo bandhigay Labo Bistoolad iyo Bam gacmeed ay raggan wateen.

Sheekh Madeer Sheekh Madgaab ayaa habeen kahor lagu dhexdilay masjid ku yaalla magaalada Baydhabo xilli uu tukanayey salaadda Taraawiixda.

Goobjoog News

z5 z4 z3 z2 z1