U bood dhigaalka

Sawirro: Madaxweynaha Oo La Kulmay Saraakiisha Ugu Sarreysa Ee Ciidanka Xoogga Dalka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta wuxuu kormeer ku tagay xarunta wasaaradda difaaca ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa halkaasi kula  kulmay ku simaha wasiirka difaaca iyo sidoo kale saraakiisha ugu sarreysa ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Waxyaabaha uu kala hadlay waxaa kamid ah qorsha dowladda ee ku aadan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sida ciidanku ay Al-shabaab dalka uga saari lahaayeen.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeediyey Saraakiisha Ciidanka ayaa kula dardaarmay in ay ka soo dhalaalaan rajada ay ku qabaan Shacabku isla markaasna looga baahanyahay Muwaadin kasta in uu isna garab istaago Ciidanka nafta u huraaya dalka iyo dadka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa dagaal saf ballaaran ah oo ulajeedkiisu yahay sidi Al-shabaab looga saari lahaa meelaha ay dalka ka maamulaan.

Goobjoog News

F5 F4 F3 F2 F1