U bood dhigaalka

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo Iyo Dhiggiisa Kenya Oo Kulmay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya ayaa maanta waxaa lagu soo dhoweeyey madaxtooyada Nairobi, waxaana halkaasi uu kula kulmay dhiggiisa Kenya.

Soo dhoweyn kadib, Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuro Kenyatta ayaa qaatay kulan albaabada u xiran oo arrimo dhowr ah looga hadlay.

Sida ilo xog ogaal ah ay sheegeen, waxaa kulamadaasi looga hadlay arrimo ku aadan xoojinta xiriirka Labada dal, Iskaashiga, amniga iyo sidoo kale la dagaalanka Al-shabaab.

Labada Madaxweyne ayaa saxaafadda si wadajir ah ula hadli doona, waxayna ka warbixin doonaan kulankooda iyo waxyaabihii ay isku af garteen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqashada uu ku joogo Kenya waxay qaadan doontaa muddo Saddex cisho ah, wuxuuna 25-ka bishan ka qeybgali doonaa shirka madaxda wadamada IGAD oo ka dhacaya Nairobi.

006 005 004 003 002 001

Goobjoog News