U bood dhigaalka

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Qatar

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xafiiskiisa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga guddoomay warqadaha danjiranimo Safiirka Dalka Qatar ee loo soo Magacabay Soomaaliya Mudane Xasan Xamsa Asad.

Danjire Xamsa ayaa Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay salaan uu uga siday Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad, waxa uuna adkeeyey danjirahu in uu kaaalintiisa ka qaadan doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad celiyey Amiirka dalka Qatar iyo dowladdiisa sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya, isagoona rajeeyey in xiriirkan uu mira dhal u noqdo danaha labada dal.

DHAMMAAD