U bood dhigaalka

Sawirro: Madaxweyne Xaaf Oo Lagu Soo Dhoweeyay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo ay wehliyaan wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulkiisa oo saraf dhinaca dhulka ah uga soo anbabaxay magaalada Cadaado ayaa maarta gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa safarkiisa kusii maray deegaano dhowr ah oo u dhaxeeyay Cadaado iyo Gaalkacyo sida Gelinsoor, Bandiiradley, Seddax xigelle, Dagaari iyo tuulooyin kale, isagoo dadka halkaasi ku nool kala hadlayey inay maamulka taageeraan islamarkaana ay nabadda ka shaqeeyaan.

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdigiisa waxaa magaalada Gaalkacyo kusoo dhoweeyay maamulka degmada kan Gobolka iyo qeybaha bulshada.

Xirsi Yuusuf Barre, duqa Degmada Gaalkacyo ayaa hadallo soo dhaweyn ah kadib sheegay in magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug uu u baahanyahay dib u heshiisiin si bulshada ku nool ay nabad u helaan.

Waxgaradka iyo bulshada kale ee ku noool Gaalkacyo iyo deegaannadii uu soo maray madaxweyne Xaaf ayaa sheegay inay tahay baahida ugu weyn oo ay qabaan helitaanka amni leysku haleyn karo.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay in maamulkiisu uu ka shaqeyn doono amniga gobolka mudug iyo guud ahaan deegannada kale ee maamulka isagoo bulshada ka codsaday inay la shaqeeyaan.

Daahir Faarax
Goobjoog News

IMG_4626 IMG_4647 IMG_4654 IMG_4659 IMG_4661 IMG_4665 IMG_4677 IMG_4681 IMG_4687 IMG_4689 IMG_4691 IMG_4693 IMG_4703 IMG_4706 IMG_4712 IMG_4716 IMG_4718 IMG_4722 IMG_4723 IMG_4725 IMG_4726
Mawduucyada:Gobollada