U bood dhigaalka

SAWIRRO: Madoobe Oo Tegay Baar-Sanguuni

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowladda Jubbaland ee Soomaaliya, Mudane Axmed Islaam Axmed Madoobe,  ayaa maanta kormeer ku gaaray degaanka Baar-sanguuni oo dhawr bilood ka hor ciidanka Jubbaland, kuwa xoogga dalka iyo AMISOM ay kala wareegeen Xarakada Alshabaab.

Axmed Madoobe ayaa u kuurgalay howlgallada ay wadaan ciidanka Jubbaland ee aaggaasi ku sugan isagoo sidoo kale dhex lugeeyay xeryaha ciidanka ay ku leeyihiin degaanka.

Ciidamada ayuu faray madaxweyne Axmed Islaam in ay ka shaqeeyaan sidii ay dib ugu soo guryo noqon lahaayeen dadkii shacabka ahaa ee ku barakacay dagaalladaasi dhowaan halkaas ka dhacay, isgaoo intaas ku daray in Alshabaab ay ka saaraan guud ahaan gobollada Jubbooyinka.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu halkan u yimid si uu waqti ula qaato ciidamada, uuna arko duruufta ay ku shaqaynayaan wuxuu xusay in niyad wanaag uu ka muuqdo.

Deegaanka Baar-sanguuni oo qiyaastii 45 KM u jira magaalada Kismaayo ayaa qabsashadii ciidanka huwanta ah kaddib waxaa dhacayay weerarro ay Alshabaab ku qaadayeen degaanka.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:

 

Goobjoog News