U bood dhigaalka

SAWIRRO: Maxkamadda Ciidamada Puntland Oo Dil Ku Xuntay 7 Ruux

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Boosaaso waxay ku xukuntay Todobo nin oo la sheegay iney ka dambeeyeen dilal ka dhacay magaaladaasi.

C/fitaax Xaaji Aadan, guddoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay in raggan ay qirteen falkii lagu soo eedeeyey, islamarkaana waxaa lagu xukumay dhammaantood dil toogasho ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in racfaan bil ah ay haystaan xukumanaayasha, iyadoo qareenadii u doodayey ay kasoo horjeesteen xukunkaasi.

Ragga maanta xukunka dilka ah lagu xukumay ayaa ku eedeysan iney dileen Taliye ku  xigeenkii Labaad ee ciidanka Booliiska Puntland, Agaasimihii Madaxtooyada Puntland, iyo Xeer Ilaaliyahii maxkamadda ciidamada qalanbka sida ee Puntland.

Ragga la xukumay ayaa magacyadooda waxay kala yihiin:

  • Nuuradiin Axmed Samatar Deerow oo da’diisa lagu sheegay 20 Sani jir
  • Ayuub Yaasiin Cabdi oo da’diisa lagu sheegay 32-sano jir
  • Xasan Aadan Xasan Maxamed oo da’diisa lagu sheegay 22-sano jir
  • Cabdixakiin Maxamed Aweys oo da’diisa lagu sheegay 24-sano jir
  • Cali Ismaaciil Cali oo da’diisa lagu sheegay 20 sano jir
  • Maxamed Yaasiin Cabdi oo da’diisa lagu sheegay 17-sano jir
  • Daa’uud Saciid Sahal oo da’diisa lagu sheegay 18-sano jir.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa sidan oo kale waxay horey dilal ugu xukuntay rag badan oo ku eedeysan Al-shabaabnimo.

1022 1012 522 41-816x4591 31-816x4591 83

Goobjoog News