U bood dhigaalka

SAWIRRO: Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Maanta Fulisay Xukun Dil Ah

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saakay oo Khamiis ah waxay xukun dil ah ku fulisay C/qaadir Cabdi Xasan oo ku eedeysnaa inuu ka dambeeyay qarax 26-kii November ka dhacay suuqa Beerta degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Toogashadan oo ka dhacday fagaaraha dugsiga Tabobarka ee Jeneraal Kaahiye ayaa waxaa ku sugnaa halkaasi mas’uuliyiinta ugu sarreysa ee maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo sidoo kale saraakiil ciidan.

Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida Dhame Muumin Xuseen C/laahi oo saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in ninkaan uu doonayey inuu is qarxiyo, balse ay ciidanka gacanta ku dhigeen.

Wuxuu tilmaamay in gaarigii caasiga ahaa ee uu watay uu ku qarxay Suuqa Beerta, halkaasina ay ku dhinteen 30 qof oo shacab ah, ayna ku dhaawacmeen 40 kale.

Wuxuu sheegay Dhame Muumin in dambigiisa uu horey u qortay eedeysanahan, maxkamadana ay ku xukuntay dil toogasho ah maantana lagu fuliyey.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sidan oo kale waxay horey dilal ugu fulisay rag la sheegay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo sidoo kale ciidamo ka tirsanaa dowladda.

Goobjoog News

D1 D2 D3 D4 D5 D6 D7 D8 D9