U bood dhigaalka

Sawirro: Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Gubay K/Africa

Sheeko:Dalka

Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xarun ganacsi oo ku taalla dalkaasi waxay ku gubeen muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo lagu magacaabayey C/laahi Maxamed Cali.

C/laahi ayaa dukaankaan wuxuu ka ahaa waardiye, waxaana la sheegay iney usoo galeen burcaddan, ayna ku xireen qol yal oo dukaanka ku dhex yaallay, kadibna ay qaateen alaab badan oo halkaasi taallay, iyaga oo ugu dambeyn xaruntaasi dhan dab qabadsiiyey.

Dukaanka la gubay  oo ay Soomaaali badan ka shaqeynayeen, ayaa la sheegay inuu ahaa dukaan aad u weyn oo Jumlada lagu iibiyo.

Qaar kamid ah shaqaalihii  dukaankaasi ayaa sheegay in markii ay halkaasi ka hoyaneey ay uga tageen lacag badan, ayna qaateen lacagtaasi burcaddii weerarka ku qaadday halkaasi.

Dukaankan waxaa ka shaqeynayey 12 qof oo Soomaali ah, 4 ruux oo Malawi iyo Hal qof oo u dhashay K/Afrika.

Soomaalida ku sugan dalka K/afrika ayaa la kulma dhibaatooyin kala duwan, iyadoo aan nabad ku qabin dalkaasi, la dilo, la dhaawaco, sidoo kalena la dhaco hantidooda.

IMG_1917 IMG_1938 IMG_1922 IMG_1951 IMG_1967 IMG_1991

Goobjoog News