U bood dhigaalka

Sawirro: Nin Doonayay Inuu isku Qarxiyo Munaasabad Ka Socotay Guriceel oo la Qabtay

Sheeko:Amniga

Maanta waxaa magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud lagu fashiliyey qarax ismiidaamin ahaa kadib markii la qabtay nin doonayey inuu isku qarxiyo munaasabad halkaasi ka socotay.

Maamulka Ahlu-sunna ayaa dhigayey munaasabad lagu maamuusayo shuhadad uga dhintay dagaallada ay la galeen xarakada Al-shabaab ee bartamaha Soomaaliya.

Ninkan oo uu askari isku duubey ayaa la qabtay, kadibna laga qaadey wixii qarxayey, waxaana haatan la sheegayaa in lagu xiray saldhigga magaalada.

Sawirro: