U bood dhigaalka

Sawirro: Puntland oo Abaalmarin Gudoonsiiyey Ciidamo Ka Tirsan Boolis Gobolka Bari Iyo PMPF.

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa maanta gudoosiiyey shahaado sharaf iyo abaalmarin kale ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Bari iyo PMPF ee cidamada badda Puntland, waxaana ay ciidanka ka koobnaayeen saraakiil, saraakiil xigeeno iyo dabley oo tiradoodu dhammayd 64.

Munasibadda abaalmarinta ciidanka oo ka dhacday Madaxtooyada Boosaaso ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Puntland Sareeye Guud Saciid Maxamed Xirsi, taliska qaybta gobolka Bari, saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska gobolkaasi iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn hambalyo iyo bogaadin usoo jeediyey ciidanka qalabka sida ee maamulka Puntland meel kastay joogaanba, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in maanta ciidamada lagudoosiinayo abaalmarintani ay yihiin kuwo hawl galo gaara ka fuliyey xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso, isla markaana gacanta ku dhigay iyagoo is garabsanaya fal-denbiyeedyo tiro badan oo ay soo abaabuleen Al-shabaab.

” Xafladdani waxay si gaara u khusaysaa dadkii qabtay fal-denbiyeedkii ay soo abaabuleen sharwadayaashu ee ahaa qaraxyadii loosoo abaabuley dadka reer Puntland in lagu laayo, gaar ahaan shacabka Boosaaso, ciidankii ka hortegey qabtay ku guulaystey weeye munaasibaddani, taas micneheedu ma aha labadan ciidan ee meesha joogaa inay kuwa kale ka hawl karsanaayeen ama ay ka hawl badan yihiin” ayuu yiri Madaxweyuhu.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in ciidamada Puntland markasta u diyaarsan yihiin ka hortagga iyo ladagaalanka cadawgooda, in badan oo kamidda ciidamada qalabka sida ee Puntlandna ay saacaddan lajoogo ku jiraan hawlgallo lagu sugayo amniga iyo xasiloonida dalkooda.

 

“Ciidamadii ugu hawsha badnaa dalka, shaqadooda iyo difaacoodu meesha majoogaan hadda, lakiin in loo fahmo hawshani hawl gaara oo ahayd qorshahaas gaar ka ah ee ciidan kani ku guulaysteen inay fashilaan oo qabtaan in lagu dhiiri geliyo, si ay usii laba jibaaraan shaqadooda iyo hawlkarnimadooda, lagana illaaliyo dhibaatooyinka cadawgu uu u soo maleegayo Puntland” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu danbayn, Madaxeynaha Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay inuu jirey sarkaal u huray naftiisa isagoo difaacaya dadkiisa iyo dalkiisaba, kuna waayey naftiisa qarax ay argagaxisada Al-shabaab ugu tala galeen inay ku waxyeeleeyaan shacabka Boosaaso, waxaana uu Madaxweynuhu uga tacsiyey eheladi, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay sarkaal kaasi, Allena ‘SWC’ waxa uu u weydiiyey inuu u naxariisto marxuunka, qabrigana u waasiciyo.

Goobjoog News

233 122 ssss 3225 gfgyty ggggggggggg