U bood dhigaalka

Sawirro: Qarax Ka Dhacay Wadada Makka Al-mukarrama Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax aad u xooggan ayaa ka dhex dhacay gaari marayey wadada Makka Al-mukarrma ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel ku dhow saldhigga degmada Waaberi.

Gaariga qarxay ayaa baaba’ay, iyadoo weli faah faahin dheeraad ah aan laga helin gaarigan qarxay iyo waxa uu ahaa.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, balse lama oga iyana tirada rasmiga ah ee khasaaraha halkaasi ka dhashay.

Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa ku sugan ciidamada ammaanka oo wada dedaallada loogu gurmanayo shacabka waxyeellada soo gaartay.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa gaaray halka qaraxa uu ka dhacay, waxaana ay daabulayaan dadka waxyeellada kasoo gaartay qaraxaasi.

Marka uu qaraxan dhacayay, waxay wadada Makka Al-mukarrama ahayd mid aad u mashquul badan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah

Goobjoog News

Q4 Q3 Q2 Q1