U bood dhigaalka

Sawirro: Qarax Xooggan Oo Lagu Weeraray Xarunta Degmada Howlwadaag

Sheeko:Amniga

Qarax aad  u xooggan loona adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu weeraray xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo qaraxan uu ka dhashay, balse weli tiro rasmi ah lama hayo.

Waxaa burbur xooggan soo gaaray guud ahaan xarunta degmada Howlwadaag, iyadoo sidoo kalena ay burbureen guryo, dugsi Qur’aan iyo masjid halkaasi ku yaallay.

Waxa soconaya gurmad xooggan oo ay wadaan gaadiidka Ambalaasta ah, iyadoo sidoo kalena halkaasi ay gaareen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo ciidamo badan oo dhanka amniga ah.

Guddoomiyaha degmada Howlwadaag Cabdikariin Cali Kaar oo howlihiisa shaqo halkaasi u joogay u xilliga qaraxa uu dhacayey ayaa badqaba oo hadda waxa uu ka mid yahay dadka gurmadka u sameynaya shacabka waxyeellada soo gaartay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News