U bood dhigaalka

Sawirro: Qaraxii Zoobe Oo Saameeyay Howlihii Shaqo Ee Idaacadda Iyo TV-ga Goobjoog

Sheeko:Dalka

Waxaa si kooban hakad u galay howlihii shaqo ee Idaacadda iyo Tv-ga Goobjoog,  kadib markii uu saameyn ku yeeshay qaraxii xooganaa ee shalay gelinkii dambe ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qalabka Idaacadda iyo Talefishinka waxaa qaarkood soo gaaaray burbur sababay in shaqada ay hakad gasho.

Sidoo kale waxaa hawada ka maqan Idaacadaha Goolfm iyo Goobjoog Business oo ka tirsan Goobjoog Media Group .

Hadaba Dhageystayaasheenna iyo daawadayaasheenna sharafta leh waxaan ka raaligelineynaa dib u dhaca yar ee galay howlaheena shaqo oo saacado gudahood lagu xallin doono.

Waxaa si toos ah howlihii Goobjoog u wada Mareegta www.wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com (Goobjoog News).

3 4 5 8 9 004 002 001

Goobjoog News