U bood dhigaalka

Sawirro: Qaxootigii Dib Ugu Soo Laabtay Dalkooda Oo QM ka raba Lacago Ay u Balanqaadday

Sheeko:Dalka

Qaxooti Soomaaliyeed oo dib uga soo laabtay dalalka Yemen, Jabuuti iyo Kenya ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay soo wajahday kadib markii ay sheegeen in looga baxay ballan loo qaaday markii ay dalka imaanayeen.

Dadkaan qaarkood oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in markii hore loo balanqaaday in Lix bil si joogta ah loo siin doono lacag, balse ay heleen oo kaliya bishii ugu horreysay.

“Yemen ayaan ka imid, waxaan UN-ka kusoo ballanay iney nasiiyaan Lixda bile e ugu horreysay lacag, markii nala keenay waa nalooga baxay, waan ku dayacannahay dalkeennii, waxay lacag nasiiyeen bishii ugu horreysay oo kaliya, maalinba maalinta ka dambeysay ayeey ina balaminayaan” sidaasi waxaa tiri haweeney kasoo laabatay Yemen, lana hadashay Goobjoog News.

C/laahi Cali oo isna qaxooti ku ahaa Yemen, balse dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in markii lasoo wadayey loo balanqaadey in bil walbo lasiin doono 200 oo doolar muddo Lix bil ah, balse ballanta looga baxay.

“Waan dhibaateysannahay, wax kale ma rabno, UN waxaan ka rabnaa iney fuliyaan ballantii ay inaga soo qaadeyn, guri ma hayno, caafimaad ma haynno, marka waxaan rabnaa xuquuqda aan leenahay in UN nalaga gaarsiiyo” ayuu yiri C/laahi.

C/shakuur Daahir Guuleed, isna waxa uu ka mid yahay qaxootigii kasoo laabtay xeryaha Dhadhaab, wuxuu sheegay in UNHCR markii ay dalka usoo wadayeen u balanqaadeen in shaqsi walbo ay siin doonaan lacag muddo Lix bil ah, balse lacagtaasi ugu dambeysay markii dalka la keenay.

“UN waxaan ka rabnaa iney inoo fuliyaan balantii ay inaga qaadeen, waan daalnay subax walbo sidii aan ugu soo lug go’aynay, marka waxaan codsaneynaa in waxayna nasiiyaan maadaama aan nahay dad qaxooti ah, balanti ha oofiyaan” ayuu yiri C/shakuur.

Ugu dambeyn, Goobjoog News ayaa xiriir la sameysay xafiiska UNHCR ee magaalada Muqdisho, waxaana sarkaal ka tirsan xafiiskan uu sheegay in dadkaan lacagtooda ay heli doonaan, islamarkaana lacagaha aan Hal mar la wada bixin.

Hoos ka arag sawirada:

Qax4 Qax2 Qax1 Qax3

Goobjoog News