U bood dhigaalka

SAWIRRO:- Qoysaskii Dhawaan Soo Gaaray Magaalada Boosaaso Oo Deegaanadooda Loo Dirayo

Sheeko:Dalka

Guddiga gurmadka Qaxootiga Yemen ee Boosaaso ayaa xalay illaa iyo maanta waxa ay deegaanadoodii u dirayeen qaar ka mid ah dadkii dhawaan ka yimid dalka Yemen oo dagaallo ka socdaan, kuna sugnaa magaalada Boosaaso.

Boqolaal qof ayaa saacadihii ugu dambeeyay laga diray magaalada Boosaaso, kuwaasi oo loo kireeyay Gaadiid geeya meelaha ay degan yihiin.

Dadka ayaa la siinayay Lacago jidka ay kusii maraan, maadaama safar ay yihiin, islamarkaana Haween iyo caruur ay u badan yihiin dadkaasi.

Magaalada Boosaaso waxaa dhawaan soo gaaray Markab weyn oo Soomaali ka badan 2-kun oo qof kasoo qaaday Yemen, waxaana hadda magaaladaasi jooga kumanaan qof oo u baahan in dib loogu celiyo deegaanadoodi.

Halkaan hoose ka daawo sawirada

DSC04718 DSC04717 DSC04716 DSC04661 DSC04649 DSC04647 DSC04646