U bood dhigaalka

Sawirro: Rag Ka Tirsan Al-shabaab, Wateyna Walxaha Qarxa Oo Lagu Qabtey Luuq, Gedo

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen Labo nin oo dhallinyaro ah, kuwaasi oo watey walxaha qarxa kana tirsan Xarakada Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmadaasi Maxamed Cismaan Maxamed ayaa sheegay in ciidamada ay ku raad joogeen raggan, islamarkaana ay ku guuleysteen soo qabashadooda.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in raggan ay qirteen iney ka tirsan yihiin Al-shabaab, sidoo kalena walxaha qarxa ee ay wateen ay ku doonayeen iney ku dhibaateeyaan ciidamada ammaanka iyo mas’uuliyiinta degmadaasi, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in raggan lasoo qabtay lagu kala magacaabo Cali Cabdi Mursal iyo Maxamed Cabdi Saalax.

Sidoo kale, guddoomiye Cismaan ayaa sheegay iney ku raad joogaan rag kale oo ka tirsan Al-shabaab, kuna dhuumaaleysanaya degmada Luuq.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ee degmada Luuq ayaa maalamahan waxay xoojiyeen howlgallada amniga lagu xaqiijinayo, kadib markii la sheegay in lagu soo wargeliyey in degmadaasi ay soo galeen rag  ka tirsan Al-shabaab.

Goobjoog News

Luuq-2 Luuq-1