U bood dhigaalka

Sawirro: Rag Ka Tirsanaa Al-shabaab Oo Isku Dhiibay Ciidanka DFS Ee J/hoose

Sheeko:Amniga

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose waxay kusoo bandhigeen Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab iyo sidoo kale askari isaga ilaalo u ahaa.

Sarkaalkan lasoo bandhigay ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanka Xaaji Muuse, waxaana uu dagaallamayaashaasi ka mid ahaa muddo 8 sano ah.

Taliyaha ururka 58, guutada 11 ee qeybta 43 ciidanka xoogga dalka, C/fitaax Ibraahim ayaa sheegay in sarkaalkan oo lagu magacaabo Cali Cabdullaahi uu isku dhiibay ciidanka dowladda kadib weerar ay ku qaadeen deegaankaasi.

“Ciidamada guul ayeey ka gaareen dagaal ka dhacay deegaanka Xaaji Muuse, waxaa is soo dhiibay guddoomiyahii Al-shabaab u qaabilsanaa deegaankaasi iyo mid ka mid ah ilaaladiisa” ayuu yiri taliyaha.

Sarkaal Cali Cabdullaahi ayaa isna dhankiisa sheegay in uu diyaar u yahay la shaqeynta dowladda federaalka ah isaga oo shacabka Jubbada Hoose cafis weydiistay.

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmahan dambe howlgallo ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose, waxayna Al-shabaab kala wareegeen deegaanno dhowr ah.

Goobjoog News