U bood dhigaalka

Sawirro: Rag u Dhashay Imaaraadka Oo Lagu Xiray Magaalada Hargeysa

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska ee Somaliland ayaa saakay xiray Sagaal nin oo la sheegay iney u dhasheen Imaaraadka Carabta.

Raggan ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi, xilli ay doonayeen iney dib ugu noqdaan wadankooda.

Wararka ayaa sheegaya in sababaha loo xiray raggan iney tahay kadib markii ay la ogaaday in mudadii ay Somaliland ku sugnaayeen sameynayeen ugaarsi sharci darro ah.

Naasir Xuseen, agaasimaha duur-joogta ee wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa u sheegay warbaahinta in raggan sharciga la marsiin doono.

Wuxuu tilmaamay in ay ku sugnaayeen maalmihii ugu dambeeyey deegaanka Sabo Wanaag ee Maroodi-jeex, iyaga oo iska dhigayey iney mashaariic ka fulinayaan halkaasi, balse dadka deegaanka ay soo xaqiijiyeen iney wadeen howlo ku aaddan ugaarsi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News