U bood dhigaalka

SAWIRRO: Ra’iisul Wasaaraha Oo Xarigga Ka Jaray Waddo Loogu Magac Daray Dr Kadare

Sheeko:Dalka

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta furay wado laami ah oo maamulka gobolka Banaadir uu dib u dayactir ku sameeyey, taasoo loogu magac daray Dr. Xuseen Sheekh Axmad (Kadare) oo ka mid ahaa aqoonyahanada udub dhexaadka u ahaa dhaqanka iyo afka Soomaaliga.

Guddoomiyaha Gobolka Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay munaasabada xarig jarka wadadan ayaa xusay in kharashka lagu dhisay wadadan ay iska soo uruuriyeen maamulka gobolka iyo ganacsatada gobolka Banaadir.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee gartay inay jeebkooda ka dhisaan qeybo ka mid ah dalka, ayna tahay wax lagu faano in dadka Soomaaliyeed oo is kaashanaya ay dib u dhistaan goobihii ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay.

“Waxaan isugu nimid inaan furno maanta wado ay dhisteen oo furteen shacabka Soomaaaliyeed, kharshadkoodana ay iyagu bixiyeen, qiimo gaar ah ayay noo leedahay, waxayna muujineysaa in shacabku garteen in aysan jirin cid u maqan oo ay isku haleeyaan, balse ay iyagu gacmaha is qabsadaan dibna u dhistaan dalkooda” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlayay munaasadaasi.

Dr. Xuseen Sh. Axmad Kadare ayaa ka mid ahaa aqoonyahanadii dalka soo maray, wuxuu caan ku ahaa suugaanta, horumarinta afka Soomaaliga, cilmi baarista dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed.

—-DHAMMAAD—-

006 005 004 003 002 001