U bood dhigaalka

Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre Oo Lagu Soo Dhoweeyay Baraawe

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow waxay gaareen magaalada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha waxaa kusoo dhoweeyay Baraawe, madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, mas’uuliyiinta gobolkaasi iyo kan Baraawe.

Waxa uu Ra’iisul wasaare Kheyre u guurgeli doonaa xaaladda guud ee Baraawe iyo arrinta ciidamada maadaama dowladda Federaalka ay dhowaan qaadi rabto dagaallo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale, waxaa magaalada Baraawe ku sugan Danjirayaasha QM iyo Midowga Africa ee Soomaaliya Micheal Keating iyo Fransisco Madera.

Goobjoog News

008 007 006 005 004 003 002 001