U bood dhigaalka

Sawirro: Ra’isul Wasaare Khayre Oo Kulamo Ka Bilaabay Adis Ababa

Sheeko:Dalka

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre oo ku suagn Adis Ababa si uu uga qeyb-galo shir madaxeedka IGAD ee arrimaha Koonfurta Suudaan ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo uu la yeelanayo madaxda dalkaasi iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane Khayre ayaa mar sii horeysay waxaa uu qoray: “Waxaan gaaray magaalada Addiss Ababa ee Dalka Itoobiya, waxaan ka qeyb galayaa Kulammo muhiim ah oo lagaga hadlayo xaaladda ee Mandaqadda geeska Africa iyo guud ahaan caalamkaba”

Hadaba, Maxay Tahay in uu kala hadlo, Madaxda IGAD:

  1. In IGAD ay Taageerto Go’aanka Dowladda Ka Qaadatay Sacuudiga iyo Qatar.

Ra’iisal wasaaraha Xasan Khayre waa in uu dalalka IGAD ku qanciyo in ay la qaataan dawladda Soomaaliya go’aanka dhexdhexaadnimo ee ku aadan go’aanka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta  iyo Masar ay xiriirka ugu gooyeen dalka Qadar, isla markaasna IGAD ay bayaankeeda ku soo saartro taageerada iyo garab istaaga go’aanka Soomaaliya ay ka qaadatay arikaas.

  1. In Soomaaliya Lagu Daro Hogaanka Sare Ee IGAD

Maadaama, tan iyo markii ay dhacday dawladii milateriga ee marxuum Maxamed Siyaad Bare Soomaaliya kuma yeelan wax saameyn ah hogaanka sare ee urur goboleedka IGAD.

Iyada oo laga ambaqaadayo isbedalka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, Soomaaliya waa in marxaladan hada taagan la talo geliyaa sameynta ajendaha IGAD iyo sida go’aaminayo arimaha taabanaya aayaha IGAD. Sidoo kale waa in marxalada soo socota waa in IGAD ay qoondeysaa Soomaaliya kursiga hogaanka IGAD.

  1. In IGAD Ay Dibuheshiisiin U Sameyso Dawlad Goboleedka Galmudug Iyo Ururka AhluSunnaWaljamaaca 

In kasta oo xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Khayre ay sameysay dadaal hadana waa ku guuldareysatay in ay dibuheshiisiin dhexdhigto Galmudug iyo ururka AhluSunnaWaljamaaca. Hadaba si loo soo afjaro khilaafka siyaasadeed Galmudug iyo ururka AhluSunnaWaljamaaca waa in uu RW Xasan Khayre ka codsadaa madaxda ururka goboleedka IGAD in ay ka gacansiiyaan dib u heshiisiinta Galmudug iyo ururka AhluSunnaWaljamaaca. 

  1. Fulinta Go’aanadii Shirkii IGAD Ee Nairobi:

Ra’isul Wasaare Xasan Khayre waa in uu xusuusiyo madaxda IGAD wixii ka qabsoomay go’aanadii ka soo baxay shir madaxeedkii IGAD ee lagu qabtay Nairobi, kaas oo madaxda isla garteen in xal waara oo loo helo qaxootiga ayna u baahantahay in la dejiyo siyaasado lagu hagayo dib u dejinta, guriyeynta iyo isdhexgalka bulshada.

Heshiiska waxaa kale oo ku jiray in la qaato hab lagu ilaalinayo xuquuqda qaxootiga, gaarahaandumarka, carruurta iyo dadkatabaaleysan.

Goobjoog News

ssssssssssssssssssssssssssss SSSSSSSSSSSSSSSSSSSSSSSSSSSSSSSSSSS DDDDDDDDDDDDDDDDDDDDDDDDDDDDDDDDDDDDD asssssssssssasss asssssaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa