U bood dhigaalka

Sawirro: Sanad Kadib Qaraxii Zoobe…Maxaa Fashiliyey Qorshihii Dagaal Iyo Aargudashadii?!!

Sheeko:Amniga

Muddo sanad ah ayaa laga joogaa qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe, in ka badan 1000 qof ayaa ku waxyeeloobay, si looga jawaabo madaxweyne Farmaajo iyo ra’isul wasaare Xasan Kheye waxaa ay jeediyeen khudbado dhaar ahaa, safaro dalalka dariska ah iyo shirar aan kala go’ laheyn!

Labo maalin ka hor qaraxa Zoobe, October  12-keeda waxaa shaqada ka tagay wasiirka gashaan-dhigga iyada oo qaraxa kadib, 29 October, 2017-kii xilka laga qaaday taliyaha NISA Cabdullahi Maxamed Cali-Shanbalooshe iyo taliyaha booliiska Cabdixakiim Daahir Saacid, madaxda waa ay goob walba ka sheegaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab iyo aargudasho, 12 bil kadib, welina dagaal lama qaadin, waxaana fashilmay dhammaan qorshayaashii aargoosiga ahaa!!

Raad-raaca Qaraxii Zoobe:

Qaraxa: Isgoyska Zoobe,  waxaa 14-kii October ee sanadkii hore ka dhacay qarax sababay khasaare naf iyo maal leh, xogta rasmiga ah ee dowladda federaalka ah waxaa ay sheegtay in guud ahaan waxyeelada gaartay illaa  642 qof.

Khasaare Maaliyad: Sida ay Goobjoog News ogaatay qaraxii October 14-keeda waxaa ka dhashay qasaare  dhaqaale, hantida wax ku noqoray waa 80 xarumo ganacsi ah oo isugu jira carwooyin, hoteello, xafiisyo, dukaanno, xawaalado, shirkado, kaalimo shidaal, madbacado, maqaayada iyo kuwa kale.

Hadaba burburka dhaqaale ee ka dhashay qaraxii October 14 ka dhacay isgoyska Soobe ayaa waxaa lagu qiyaasay iney ka badantahay  $6,500,000.

Gurmad dal iyo dibad: Gudmad badan ayaa dhacay, dowladda federaalka ah waxa ay dhaawacyo badan u qaaday dibadda, waxaa ay caawinaad ka heshay dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Imaaraadkaadka, Itoobiya, Kenya, Djibouti, Qatar, Midowga Yurub iyo Mareykanka,

Gudaha dalka,  waxaa kale oo baraarug galay dhalinyaro Soomaaliyeed oo dhiig, nadaafad iyo gudmad kale u sameeyay dadka waxyeellada soo gaartay, dowlad goboleedka Puntland ayaa maamul iyo shacaba waxaa ay soo direen gudmad iskugu jira lacag iyo dawo, waxaa intaasi dheer Soomaalida ku nool Kenya iyo dunida inteeda kale, oo dhammaantood muujiyay isku duubni.

March 4, 2018: Xaflad lagu soo gabagabeeyey gurmad qaran, waxaa ka hadlay guddoomiyahooda Cabdullahi Shirwac isaga oo yiri ““Waxaa ugu muhiimsan oo horta aan qabanay waxaa waaye dad gaaraya 1,357-Qof  ayaan gaarnay oo aan isleeyahay waa tiradii ugu badneyd oo dadka dhibaatada gaartay ah,waxaan kale oo aan u gargaarnay dad kale oo shaqo abuur loo sameeyay oo iyagana gaaraya 234-Qof oo ganacsatada yar yarka iyo warantada u badan,Qoysas aad u liitana oo labaatameeyo ku dhow iyagana shaqo abuur ayaan u sameynay si carruurtooda biil u hesho,waxaynu tira koobnay dadkaasi aan kuu sheegayo oo noogu kala qeybsan siyaabooyin kala duwan Agoon,dhaawac,dhimasho iyo dad shaqo abuur u baahan ayaan sameynay,”

Abaabul Iyo Olole Dagaal:

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu ka khudbeeyay meelo badan, sida xaflado, isaga oo la jooga ciidamado iyo hadal uu ka jeediyay goobta qaraxa, dhammaantood waxaa uu ballan-qaaday aargudasho.

Madaxweyne Farmaajo oo taagan goobta uu qaraxu ka dhacay ee Zoobe waxaa uu yiri“Argagixisadu waxa ay hiigsanaayaan in ay damiyaan ileyska dowladnimo ee inoo iftiimaaya, taasina ma ahan mid u suurta galaysa insha Allaahu, sababtoo ah maanta waxa aan haynaa wadada aan kaga guulaysan lahayn oo aan ku cirib tiri lahayn dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan dadkeena iyo dalkeena”.

Khudbad kale uu shacabka la hadlay waxaa uu yiri“Qof kasta oo Soomaali ah waxaan ka rabnaa haddii aan annaga oo madaxdii dalka ah aan isla qaadannay qorshe mideysan,  iyagana waxaan ka rabnaa iney kaalintooda ka qaataan, garabna siiyaan ciidamada geesiyiinta ah oo ku jira aagagga hore, dhallinyarada Soomaaliyeed waa iney ka qeybqaataan xoreynta goobaha weli gacanta ugu jira Al-shabaab, hooyooyinka Soomaaliyeed waa iney doorkooda muujiyaan oo caanaha iyo biyaha ka dabogeeyaan wiilasha iyo gabdhaha ku jira aagga dagaalka, culimada waxaan ka sugeynaa iney ku baraarujiyaan shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta in Al-shabaab aanay diin shaqo ku lahayn, fanaaniinta waxaan ka rabnaa iney bulshada guubaabiyaan”.

Khudbad 3aad uu ciidanka la jooogay wuxuu yiri “Waxaan aaminsanahay inaan ka guuleysaneyno Al-shabaab, qibradeedii waad leedihiin, wadaniyadeediina waad leedihiin oo waad soo aragteen dowlad istaagan oo xoog leh, dowlad wanaagsan oo diyaar u ah iney hormuud idiin noqotana waad haysataan oo annaga ayaa kow ka ah inaan ciidamadiina dagaalka idiin la galno, shacab wanaagsan oo soo jeeda waad heysataan oo idin dabataagan oo garab idiin siinaya, wax inoo haray ma jiraan, dagaalkii waa socdaa, fadhi ma yaallo, maskaxdii iyo aqoontii iyo qibraddii umad ay sugeysay ee shacabka Soomaaliyeed sugayeen waa idinka, marar badan badanna waan idiin sheegay, hadana waan idiin kugu celinayaa, cid kale oo Soomaaliya u maqan ma jirto oo idinka ahayn, waxaan idin ka codsanayaa waajibaadkiina sida uu yahay oo ugu dhaarateen inaad u fulisaan, oo aad ka fogaataan wax walbo oo dalkaan burburiyey, waxaan idiin sheegayaa annaga inaan idin horkacno”

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “Marnaba qof Soomaaliyeed yuusan ku fekerin in quluubta umadda Soomaaliyeed xuduud kala leedahay, sidaasi darteed waxaan codsanayaa in annaga oo isku duuban kulligeen in qofna aanu isku dayin inuu is yiraahdo maalin, Labo maalin, isbuuc dib u dhigin, yaan guryaha naloogu soo gelin, sababtoo ah waxay nagu xukumeen dil kulligeen”.

Booqashooyin:

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa October 22keedii waxa uu bilaabay booqasho 4 maalmood ah uu ku tagay gobolka gaar ahaan dalalka Uganda, Itoobiya iyo Djibouti, taasi oo qeyb ka aheyd dadaallada la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweyne Farmaajo oo saxaafadda la hadlayey markii uu Muqdisho ku soo laabtay ayaa sheegay in dhiggiisa Mudane Yoweri Museveni, Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay ka aqbaleen in ay kordhiyaan dadaalada dalalkooda ay kaga qayb qaadanayaan dagaalka lagu qaadayo Al-shabaab “Waxaan u safarnay sidii aan garab ugu heli lahayn dar-dar gelinta dagaalka aan dalka kaga xoraynayno Alshabaab, Alle waa nagu guuleeyey. Madaxdu waxa ay ballan qaadeen in ay ka jawaabaan codsigeenii ahaa in la xoojiyo ciidamadeenna oo qalab iyo agabka ay u baahanyihiin nagu gacansiiyaan.”

Booqashada madaxweynaha waxaa ka dhashay in ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ay dalka soo galaan November 1-deeda wixii ka dambeeyay, kuwaas oo la sheegay in ay saldhig ka dhigan-doonaan Shabeellada Hoose.

Bishii ugu horeysay qaraxa kadib,  waxaa uu Farmaajo labo-jeer khadka telefanka kula hadlay madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi, waxaa kale oo jirtay in ra’isul wasaaraha uu safar ku tagay Turkiga isaga oo inta badan xoogga saaray amniga.

Dowladda Iyo Maamul Goboleedyada:

October 22, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa martiqaad u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga soo qeybgalayaan shir wadatashi ah.

Shirka oo muddo todobaad ah ka socday Muqdisho, ugu dambeyntii war-murtiyeedkii la soo saaray waxaa qodobadiisa ka mid ahaa

  1. La-dagaalanka Argagixisada:
    (1). In la-adkeeyo amniga dalka meelna looga soo wada jeesto xoraynta Dalka iyo la dagaalanka Argagixisada. (2). In lala yimaado qorshe dhamaystiran oo wadajir ah oo lagula dagaalamayo argagixisada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed labadaba, lana xoojiyo ciidamada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir, tababar ahaan iyo qalab ahaanba. (3). Iyadoo laga faa’iidaysanaayo Shirkii Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowladadaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa la qabtay kulankii 3-aad ee Amniga Qaranka 02/11/2017 waxaana Goluhu isku raacay in guluf colaadeed oo midaysan lagu qaado Argagixisada. Waxaa Goluhu u ballamay in 03/12/2017 laysugu yimaado kulan kale Magaalada Muqdisho.
  2.  Dhismaha Ciidan Qaran
    (1). In la dardargeliyo hirgelinta Qorshaha Amniga Qaranka, isla markaana dib loo eego lana adkeeyo meelaha gaabisku ka jiro heshiisyadii hore ee (Security Architecture)
    (2). In la dardargeliyo dhismaha Ciidan Qaran oo isku dhaf ah, ka madaxbanaan siyaasad, sumad qabiil, lehna caqiido iyo mabda’a wadaninimo, agab iyo tababar waafi ah.
    (3). Waxaa Golaha Amniga Qaranku isku raacay in dib-u-qaabaynta qaybaha XDS (Re-sectorization) la dhamaystiro muddo bil gudeaheeda, ayada oo la fulinayo amarka Wasaaradda Gaashaandhiga, lana tix-raacayo heshiiskii 16kii, April,2017 ee qaab dhismeedka Amniga Qaranka. (4). Waxaa laysku raacay in Guddiga Farsamada ee Golaha Amniga Qaranku layimaado qorshe cad oo ku aadan qaybinta Ciidanka Booliiska iyo Ciidamada Ilaalinta Xeebaha shirka Disembar,2017.

AMISOM:

Madaxa howlgallada AMISOM Francisco Madeira oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan howlgallada AMISOM iyo waxyaabaha kaga aadan dagaallada ay dowladda Federaalka ku dooneyso iney dalka kaga saarto Al-shabaab “Waxaan leenahay Hal cadow oo ah Al-shabaab, sidaa darteed waxaa waajib nagu ah inaan xoogeena isku geynno si aan u wajahno Al-shabaab, innaga oo isticmaaleyna Hal ciidan oo awood leh oo wajahaya, muwaadin kasta wuxuu leeyahay door uu arrintaan ka ciyaaro, taasi oo la rabo in xaqiiyo in Soomaaliya ka nabad qabto argagaxisada, waxa amuhiim ah in muwaadiniin Soomaaliyeed ciyaaraan door wanaagsan maxaa yeelay ciidamada oo kaliya Al-shabaab kama saari karaan deegaannada haddii aysan bulshada soo gudbin xogta ku saabsan Al-shabaab una soo gudbin hay’adaha ammaanka”

AFRICOM:

Ciidamada Mareykanka gaar ahaan AFRICOM waxaa ay sanadkii hore qaadeen weerarro gaaraya 34, 12 ka mid ah waxaa ay dhaceen wixii ka dambeeyay qaraxii Zoobe.

Ugu dambeyn, waxaa hubaal ah in October 14, 2017-kii aheyd maalin madow, oo aan ka go’eyn qalbiga umadda Soomaaliyeed, waxaa kale oo qoran in aan loo aargudin dadkii xaq-darrada lagu laayey!

Goobjoog News